455,640 unique visits
Navigation
Home
Discussion Forum
Web Links
News Categories
Contact Us
Photo Gallery
Search
The Kroax
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM
Somali Links
Somlove.com2724
Allidamaale1698
Allmuqdisho2202
Aminarts4258
Arrimaha1337
Balanbal1381
Banadir24.com2494
Bclub19.com957
Berberanews1324
Bulshoweyn2756
Calanka1959
Cammaara1877
Dadnimo2430
Dayniile4363
Falaar1939
Gedonet2349
Gedoonline2354
Halganka.net10487
Hiiraan900
Hillaac.net4742
iiRoon2967
Jowhar1482
Keynanfone1453
Ladaneey3630
Markacadey.net4179
Midnimo.com2694
Mustaqbalka1885
Qarandoonnet1630
Qaranimo2181
RadioMuqdisho865
Shaaciye4953
Somalifans.net1921
Somalilandinfo1089
Somalipress1080
Somaliweyn3336
Somvid.com768
Soomaalidamaanta3884
Warsheekh3671
Xifdinta2139
Xoghaye2154
Xogta3297
Shoutbox
Name:

Message:

Validation Code:


Enter Validation Code:



hanahmed
05/09/2010 05:24
shacabka dhibka ayaga ayaa masuul ka ah

luul
04/09/2010 23:19
asc bahda dhacdo waxaan idiinka codsaneeynaa markaad sheegeysaan aqbaarta inaad soo dhameestirtaa aad ogaataan qofka la diley magacyadooda sababtoo ah dadkeena ayaa soomaaliya ku nool waan ka naxnaa m

burun estetigi
04/09/2010 22:07

Rino
04/09/2010 08:03
A.s/c

Zakki
03/09/2010 22:56
Asc dhacdo away balan qaadkiini casharada diiniga ahaa ee aad balanqaadeen bisha ramadaan

zaki boy
03/09/2010 15:10
good website dhacdo.com i like it.

jama uk
31/08/2010 17:22
Thanks thz web his active work

Maamulka Dhacdo
11/08/2010 09:04
Asc wr wb, waa mamulka Dhacdo, Bisha Ramadan oo dhan waa soo gudbin doonaa Qisada asxabta Insha'Allah ee sidaasi ula socda.

YARE
11/08/2010 08:51
Dhacdo waxaa idinka codsaneynaa inaad maalin kasta soo daysan siirada Nabiga(scw) iyo qisooyinka asxaabta inta lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan Wabilaah Towfiiq

Cobra
10/08/2010 23:30
RAMADAAN MUBAARAK TO ALL MUSLIMS





Qiso Jaceyl oo cajiib ah oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Jaceylka Dhabta ah Waa Sidaan oo kale”
Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, waxaana lagu kala magacaabo Cadde iyo Sundus, Cadde ayaa xiriir lasoo sameeyay Waria-yaasha Barnaamijka Xiisaha Badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadda Caalamiga ah ee Dhacdo.com.

Waxay sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1980-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Massal oo ku yaalay agagaarka 21 oktoobar ama KM4 ee degmada Waaberi.

Sidoo kale Sundus waxay ila dhigan jirtay iskuulka Al Massal, hase ahaatee gabadhaasi waxaa isku baranay, maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaa isku aragnay suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha, muuqaal ahaan waanu is-naqaanaa balse aqoon gaar ah iskuma lihin.

Geesinimo intaan iska raadiyay ayaa waxaa u dhaqaaqay dhankii ay joogtay Sundus, isla-markaana waxaa u guur galay inaan salaamo, salaan kadib ayaa is-wareysanay, nasiib wanaag waxaa ii suurta gashay inaan ka qaato teleefankii xilligaa ugu jiray gurigooda, maadaama ay aad u adkeyd sanadkii 2002-dii in magaaladda Muqdisho laga isticmaalo teleefanka gacanta ee Mobile-ka.

Sundus waxaa badanaa ku wada xiriiri jirnay khadka teleefan, mararka qaarkoodna waxaa isku arki jirnay iskuulka, iyadoo uu i soo weeraray cudurkii caashaqa ahaa, hase ahaatee aad ayaa Sundus uga ilaalin jiray inaan ku iraahdo waan ku doonaayaa ama waan ku jeclahay.

Sidoo kale dhanka Sundus ayaa waxaa ka dareemi jiray inay is-jaceshahay ama ay si’aad ah ii dooneyso, maxaa yeelay astaamaha lagu ogaado qofka ku jacel ay kamid tahay, Soo wicitaan badan, hadal badan, kaftan badan, qosol badan, xiiso badan iyo IWM.

Laba sano markaan sidaa uga wada soconay khadka teleefanka, ayaa habeen habeenada kamid ah wacay Sundus, waxaana ku iri waxaan doonaayaa inaan kulano maalin, maalintaasoo inoo noqon-doonto maalin qaas ah, sidoo kale Sundus oo aalaaba ka heli jirtay inaan la-kulmo ama soo waco ayaa waxaa ka dareemay farxad balaaran, waxayna igu tir, “Cadde maalintaas talow maalintee bay noqon doontaa” saa waxaan ku iri waan ka wada fikiri doonaa, kadib ayaa waxay igu dhahday “Cadow adiga ayaa go’aan kuu dhiibay ee inoo tali oo maalin inoo door” kadib waxaan ku iri waa inoo maalinta jimcaha, sidii ayaa ku heshiinay.

Wuxuu waqtiga is-guraba waxaa lasoo gaaray maalintii balanta aheyd, waxaana ku kulanay xaafadda K.P.P ee degmada Hodan, iyadoo xaafadaasi lagu qabay gabar ila dhalatay.

waxaana maalintaas u soo bandhigay Sundus inaan aad u jeclahay, misana gabdhaha reer Muqdisho inaan iyada kasoo xushay, Sundus oo aan awalba iska ogaa inay i jaceshahay ayaa waxay igu soo dhaweysay si kal iyo laab leh, waxaana maalintaasi kusoo kala tagnay anagoo si’aad ah u faraxsan.

Waxaa inoo dhamaaday iskuulkii, waxaana ku heshiinay Sundus inaan is-guursano sidii ayaana ku aqal galnay, sideed bilood kadib ayaa waxaa kasoo tagay magaaladda Muqdisho, anigoo safar dheer u soo galay wadanka Sweden oo aan iminka ku noolahay, isla-markaana waxaa raadsaday shaqo wanaagsan, sidaasi ayaana ku kasbaday lacag wanaagsan, wax ka yar laba sano ayaa waxaa Sweden ku keensaday xaaskeyga ama jaceylkeyga Sundus.

Waxaa halkaasi kasii amba qaadnay jaceylkii inoo dhaxeeyay, iyadoo aan noqonay laba qof oo nolosha wax ka yaqaano, misana waxaa noqonay laba qof oo u dhaqma sida lamaanaha caalamka ugu sareeya oo kale.

Mararka qaarkood markaan ka maqanahay ayay i soo wici jirtay, waxayna igu dhihi jirtay “Macaane maanta waxba maanan cunin, waxaan is-dhahay armuusan macaankaaga waxba cunin, ee macaane hadaadan wax cunin, guriga kaalay oo waxaan doonaayaa inaan wada cunteeno” markaa ayaa waxaan ku dhihi jiray, macaan wax waan cunay oo shaqada ayaan joogaa, ee gacaliso, nafta u roon, qiimo badan, xidigtii haweenkaay, wax ii cun” sidaasi ayay ku cuni jirtay.

Sidoo kale mararka qaarkood intaan ka naxo sida ay daacad igu tahay, misana ay ii jaceshahay, ayaa anigoon waxba cunin soo wici jiray, waxaana u sheegi jiray inaanan waxba cunin oo aan doonaayo inay wax cunto, haddii ay wax cunto xitaa waxaan ku dhihi jiray waa yahayee bal koob biyo cab oo dhibic marka ay colaashaada ku tiraahdo ayaa anna wax cuni doonaa, intay iga naxdo ayay igu dhihi jirtay “ macaane mahadsanid lakin inaad wax cunto ayaa lagaa rabay, madaama aad maanta oo dhan shaqeyneysay.

Sundus Kheyr Allaha siiyee waxay ii qaaday uur laba mataano ah, nasiib daro dhaqaatiirta ayaa waxay yiraahdeyn waxba lagama qaban karo oo lama wada bad baadin karo iyado iyo caruurta, marka waa in iyada ama caruurta mid la-bad baadiyaa, kadib ayaa waxaa go’aan ku gaarnay in iyada la bad baadiyo, hase ahaatee waxaa dhacday inay iyadu geeriyooto oo ay caruurtu bad baadaan.

Waxaa ila soo daristay cidlo iyo murugo baahsan, waxaan sameeyo ayaa garan waayay, Sundus hooyadeed ayaa waxay iga codsatay maadaama ay Sundus iga dhimatay inaan guursado, gabar kale oo Sundus la-dhalatay, si bay tiri ay u bad baadaan ama koritaan fiican ay u helaan mataanaha yar-yar, anigana waxba kama diidin oo waan soo dhaweeyay, sidii ayaa gabadhii ku guursaday oo hada waxay ila joogtaa wadankaan Sweden oo aan ku wada nool nahay.

DhaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaMaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad


Wariye Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
Kuala Lumpur Malaysia
Isha Dhacdooyinka Caalamka
laacib143@hotmail.com





Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com





Comments
#1 | dalmar1 on July 30 2010 20:04:17
Cade Akhiyoow Ale ha u naxaristo sunduuus aaad ayaana uga naxay xaqiiqda Ileeyn aabo wax dhalaya ayaan ahay ale kuma keenee GAbarteyda Mumtaza Hoyadeeda waa u muhiim nafteydaneh waa u muhiim marka aaad ayaaan Uga naxay lakin RAbi ayaan waxaan ka baryada Inuu sunduuuz janah Firdoowsa ka warabiyo adna Sabar iyo iimaan ka siiyo cade BArakalaahu fiik
#2 | ubah on July 30 2010 20:32:22
inaalilaahi waa inaalilaahi raajicuun san ufaraxsana ayan halmara oyay subxanalah ilahay ha uraxmada marxumada cade xaaskaga xuural cayn ta ilahay hakaga dhiga gabadhasna wey shihidey ilahay ha uraxmada matanahana hasoobarbaran amin dinta kuwibarta ilahay haka dhiga asc
#3 | ayaan on July 30 2010 21:21:10
asc, cadde ilahey ha kaa siiyo mari waayo aduunka waa lada dhiimaan dadka dhan sunduus ilaahey ha siiyo iyadna allah u naxariito intii musulin ah.. cadde adinaga ilaheey kaaga dhiigo midaan sidii sunduuns camal
#4 | naima on July 30 2010 21:57:17
inaalilaahi waa ina ileyhi raajicuun,wa arin naxdin leh cade ilah haka samar siiyo sundusna ilaah janada haka warabiyo matanayashana ilaah hasoo barbaariyo amiiiiiiiiiin,
#5 | Dalnuurshe on July 30 2010 22:03:40
Xasbuna lah wa nicmal wakiil anaba umaleyay ine iga shahiiday gebedhe cadow samar iyo iiman ilaah haka siiyo
#6 | istahil on July 31 2010 07:15:04
asc innaaillahi waainaailahi raajicoon samir &iimaan allaha kaasiiyo walaal
#7 | ina lilahi wa ina ilihi rajicu on July 31 2010 12:03:03
ilahay samir iyo iman ha inaga siiyo iska samir walaal way inaga wada dhimatee iyada ilahay janadii ha ka warabiyo
#8 | samir on July 31 2010 13:33:40
inaa lilaalhi wa inaa ilayhi raajicuun. iloaah ha u naxariisto badalkeedo oo kale hakaaga dhigo gabadha xigtada lagu siyay. mida kale adunyaa mataacun waqayru mataacuhaa almaratu alsaalixah. ilaah haka dhigo dhamaan haweenka islmaanka qaasatan kuwa soomaali hawwen saalixiin u ah ragooda farax galiya mar walba. iina so duceeyo anigaba inuu ilaah iga dhigo saalixah
#9 | qanciye on July 31 2010 13:42:40
waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waaaaaaaaaarageyga iibaashal bro kkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkk
#10 | ismail on July 31 2010 21:44:19
inaa ilaahi wa inaa ileehi raajicuun alla ha u naxariisto adigana samir iyo iimaa ha kaa siiyo
Post Comment
Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.








Ads
Users Online
Guests Online: 5

Members Online: 0

Total Members: 29
Newest Member: Abu-muscab