Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabo Cabdi iyo Siraad, Cabdi ayaa xiriir lasoo sameeyay wari-yaasha barnaamijka Xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla shabakadda caalamiga ah ee Dhacdo.com, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1981-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay isla-magaaladda Muqdisho, sidoo kale Siraad waxay degneyd ama ay ku nooleyd degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaa balansaneyn wiil aanu saxibo aheyn oo lagu magacaabo Ilkacase, waxaana ku balansaneyn inaan ka qeyb galno xaflad aroos ah oo ka dhaceysay degmada Wadajir, hase ahaatee intii aanan gaarin goobtii ay xafladda ka dhaceysay ayaa waxay indhaheygu qabteyn Siraad oo ku jirta dukaan, isla-markaasna wax aqoon ah iskuma lihin, waana markii igu horeysay oo aan arko Siraad, iyadoo ay aad i soo jiidatay qurux uu Alle ugu deeqay.
Waxaan ka qeyb galnay xafladdii arooska aheyd ee ka dhaceysay degmada Wadajir, iyadoo ay niyadeyda ka dhex guuxeysay Siraad oo aad i soo jiidatay, misana aan si kal iyo laab leh uga helay, nasiib waxaa dhacday inay Siraad kasoo qeyb gasho arooskii ka dhacaayay degmad Wadajir oo ay ku nooleed.
Mid kamid ah asxaabteeda oo lagu magacaabo Baazi misana ku noolaa degmada Wadajir, ayaa si hoose ugu tilmaamay Siraad oo markaas ku sugneyd xafladda arooska, waxaana ku iri, nin yahow gabadhaas mataqaanaa, wuxuuna ii sheegay inuu si-wanaagsan u garanaayo, waxaana ka codsaday inuu i sheego teleefanka laga heli karo, isla-markaana wuxuu farta iga saaray teleefankii ku jiray guriga Siraad.
Waxaa nasiib u yeeshay inaan si-wanaagsan u barto Siraad oo aad ii cajab gelisay, iyadoo uu ina dhex maray jaceyl xiiso miiran ku dhisan, isla-markaana waxaan aheyn lamaane isla soo qaatay waqti wanaagsan, waxaana marqaati ka ahay intaan wada soconay aniga iyo Siraad inuusan ina soo kala dhex gelin buuq iyo sawaxan.
Anagoo nolol macaan iskaga jirno, misana aan isla qaadaneyno waqtigii noogu magaceyd ee jaceylkeyna, ayaa waxaa la-isoo sheegay inuu i soo baxay Leen Dibada ah, iyadoo ay qoyskeyga igu yiraahdeyn, waa inaad aadaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, si’aad halkaasi uga baxdo.
Siraad ayaa waxaa la-sameeyay wada-tashi, maadaama ay tahay gabadha kaliya ee hanatay nafsadeyda, waxaana ku heshiinay inaan mar walba xiriir toos ah sameyno, isla-markaana uusan qofba qofka uga uga bixin balanta, sidoo kale Siraad ayaa waxay ila soo dar-daarantay si-wanaagsan, sidii ayaana ku imid magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Intaan ku sugnaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa xiriir wanaagsan wada sameyn jirnay Siraad, oo aheyd gabar aan aad u jeclaa, mana aqaano gabadhaasi jaceylka xoogan ee aan u qabo wax yaabaha sababay.
Hase ahaatee waxaa dhacday ayaan daro xanuun badan sidata, isla-markaana waxaa la i soo sheegay inuu Siraad guursaday oday waayeel ah oo ku sugnaa wadanka Maraykanka, kaa oo la-sheegay inuu ahaa nin lacag-leey ah, isla-markaana maanan is-waalin oo maxaa yeelay waan rumeysan, ileen waxaa igu taagneyd sidii ay Siraad igula soo dar-daarantay.
Waxaan khadka teleefanka ka wacay Siraad, waxaana u sheegay inaan u baahanay, isla-markaana khadka Internet-ka soo fariiso ayaan ku dhahay oo sidii ayay ku timid, waxaa ina dhex maray is-wareysi ku saabsan xaaladda, waxaana ugu dambeen wax ka weydiiyay
inuu nin guursaday iyo in kale.
Hase ahaatee waxay ii sheegtay inuu nin guursaday oo jooga dalka Maraykanka, balse waxay igu tiri “ninka i guursaday waa nin oday ah, mana rabo oo nalol ka dooni maayo, marka waxan rabaa macaane, inuu i geeyo uun dalka Maraykanka, kadibna waan iska furi doonaa, oo adiga ayaa kusoo dacwoon doonaa”,
Intaa markii ay igu tiri ayuu madaxa laba cad i kala noqday, waxaana garan waayay waxaan ugu jawaabo, kadib waxaan ku iri, meeyay balantii iyo wacadkii inoo dhaxeeyay, maxay tahay qiyaanadaan xanuunka badan ee aad ku kacday, sidee wax u jiraan Siraadey mise waad waalatay?
Kadib waxay igu jawaabtay “nin yahow waxaan oo dhan adiga dartaa baan u sameeyay, ee igu kala baro inaan wax ku qabto iyo in kale” aad ayaan ula fajacay indha adeegeeda, anigoon wax jawaab ah siinin ayaa khadka uga baxay, waxaana la joogi waayay ciil iyo madax xanuun.
Waxaa iga soo haray fikir iyo murugo, yaab iyo amakaag, mararka qaarkood waxaaba ku qabaneysa dumar oo dhan waxba haku darsan, hadana waxaan isku dajiyaa, dadka oo dhan isku mid maaha, oo malaayiin ka qurxoon kana wanaagsan baa buuxa.
Muddo kadib Siraad waxay igu timid magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxayna igu tiri “Macaane adiga ayaan kusoo raadiyay oo waxan doonaayaa inaan ku weheshado” hase ahaatee hadalada ay igula hadleyso ayaan ku qanci waayay, waxaana xiriir hoose la-sameeyay Siraad eheladeeda, waxaana ogaaday inuu Siraad nin qabo, misana uu kusoo biilo magaaladda Nairobi ee wadanka Kenya.
Ugu dambeen waxaan go’aan cad ku gaaray inaan iskaga tago magaaladda Nairobi, misana aan uga dheeraado qiyaanada foosho xun leh ay igula daba-socoto Siraad, waxaana iskaga soo tagay Nairobi, hadase waxaan ku noolahay magaaladda Eldoret ee wadankaan Kenya, waxaana dumarka Soomaaliyeed ugu baaqi lahaa inay faraha kala baxaan qiyaanada aanan dhamaadka laheyn ay la dul taagan yihiin dhalinta Soomaaliyeed.
dhacdo walaala yaalw axa aada u xiiseeyaa oo u jeclahay she ekooyinka asxaabaha fadlan inoo noogu soo dara teeda kale walhi wiilkaan waa wiil fiican raca badana awaxee sameen lahaa yeen iyadoo nin kale qaba beey lawadi laha ayeen shee kada lakain wiilkaan moosan fiirin jaceylkiisa ee waxoo fiirshay waxoosan allah raali ka eheeyn tanoo kale haddi lasameen lahaya dhibatao badan ba alaga hortagi lahaay wabilaahi toqfiiq