Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabo Baashi iyo Salma, Baashi ayaa xiriir lasoo sameeyay wari-yaasha barnaamijka Xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla shabakadda caalamiga ah ee Dhacdo.com, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Shibis, sanadka markuu ahaa 1986-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay Iskuulka Jubba oo ku yaalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale Salma waxay ku dhalatay degmad Boondheere, hase ahaatee waxay kusoo barbaartay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxayna waxbarashadeyda kusoo qaadatay iskuulka Axmed Gurey qeybta Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid.
Salma waxaa isku baranay degmada Yaaqshiid, maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaa kasoo baxay iskuulkii aan dhigan jiray ee Jubba, isla-markaana waxaan u soo socday xaafadeyda, balse waxaan wadada ku arkay Salma, waxaana ahaa nin aad u kaftan badan, nasiib wanaag waxaa ii suurta gashay inaan Salma halkaasi isku barano, waxaana kala qaadanay teleefanadii guryaha inoogu jiray.
Sidaas ayuu ku bilowday xiriirkii inoo dhaxeeyay aniga iyo Salma, waxaana ina dhex maray jaceyl wanaagsan oo wax-tar leh, waxaana inoo suurta gashay labadeenaba inaan iskaga soo tagno magaaladda Muqdisho, Salma waxay nasiib u yeelatay wadanka Sacuudiga, sidoo kale anna waxaa nasiib u yeeshay inaan soo aado wadanka Yaman.
Waxaana Salma ku wada xiriiri jirnay khadadka Teleefanada iyo Internet-yada, waxaan wada soconay in ka badan afar sano, waxaana aad isku baranay dhamaan qoyska ay ka dhalatay Salma.
Waxaan imid wadanka Sacuudiga Carabiya oo aan iminka ku noolahay, waxaa dhacday inaan Salma ku heshiino guur, balse mushkilada ayaa waxay timid kadib markii reer Salma ay ka dhalatay igu yiraahdeen, inoo sheeg cida aad Somali ka tahay, micnaha inoo sheeg Qabiilka aad ka dhalatay, waxaana u sheegay qabiilkii aan ka dhashay, hase ahaatee Salma odayga dhalay oo aad u carooday baa wuxuu igu yiri “Waryaa sidee baad ugu fikirtay adigoo Midgaan ah, inaad guursato gabar nasab ah”
Aad baan uga xunahay odayga cirada leh, hadalada uu u igu lee-yahay, waxaana ku iri adeer afar oo buuxdo ayaa i taqaanaa weligaana, waxaa i dhihi jirtay wiilkeega, sidee baad maanta ii fogeyneysaa, misana aad ii leedahay, adigoo Midgaan ah sidee baad ku guursan kartaa gabar nasab ah.
Dood dheer kadib ayaa wuxuu xoog iga soo saaray gurigiisa oo aan ku sugneyn aniga iyo qaar kamid ah odayaasha aan ka dhashay, kuwaa oo Salma iga doonaayay aabaheyd.
hase ahaatee waxaan la-hadlay Salma, waxaana ku iri aabe sidaas buu igu dhahay, waxayna igu tiri “ Aabe hadalkiisa waxba ha u qaadan, ani iga war sug dhawaan” sidii ayaa ku kala tagnay, lakin dood dheer baa dhex martay Salma iyo aabaheyd, wuxuuna ku yiri “Midgaan inama soo galo, mana dooneyno nin midgaan ah, hadaadse adiga rabto, waad guursan kartaa balse inama soo gashid, ileen naag walba waxay tahay waxa uu yahay ninkeeda”
Salma ayaa waxay ku tiri “Aabe soo maaha nin Islaam ah, Aabe soo maaha nin wanaagsan oo aqoonyahan leh, misana ay nafteedu raali ka tahay” hase ahaatee buuq xoogan baa ka dhex dilaacay, waxaana kusoo baxday Salma hooyadeed, waxayna tiri “naayaa waxaad u fak fakaneyso soo nin Midgaan ah maaha orod oo guurso, balse niyada ku haay inama sheegan kartit”
ugu dambeen waxaa i soo wacday Salma oo aad u careysan, waxayna igu tiri “Qoyska aan ka dhashay waa dad aan ka yaabay, xumaan uun bay fiirinaayaan, walaalow waxaan ku sheegaayaa qoyska aan ka dhashay inaan aad u jeclahay, marka waxaan kaa codsan lahaa inaad iskakey cafiso” Salma oo aan muddo wada soconay ayaa sidaa igu tiri, waxaan ku damiyay teleefankii ay igala hadleysay, dib dambese maysan i soo wicin.
Kadib waxaan guursaday gabar kale oo hada waxay i heysaa laba caruur ah, wiil iyo gabar oo lagu kala magacaabo C/laahi iyo Zeynab, sidoo kale Salma weli maysan gursan oo waxay dhex joogtaa Ceelasha biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho.
Baashi oo u waramaayay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka oo ka hawl-galla shabakadda dhacdo.com, ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyay qisadii naxdin laheyd ee uu kala kulmay qoyska Salma.
DhaaaaaaaaaaaaaaaaaaMaaaaaaaaaaaaaaad
Habada akhristaha qiimaha lahow sidee baad u aragtaa qisadaan, iyo cudurka xun ee qabyaaladda ee ku jira qalbiga umadda Somaaliyeed, wixii fikirkiina waxaad noogu soo diri kartaan dhacdo@hotmail.com, anagana waxaan sii gaarsiin doonaa Baashi.
Haddii aad heyso dhacdooyinka ku saabsan arrimaha bulshada, waxaad nagala soo xiriiri kartaa dhacdo@hotmail.com ama 0060163945793.
Sumaya Salaad
Borlange, Sweden
Dhacdo.com
lacib143@hotmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@hotmail.com
waxaan jeclaan lahaa dadka somalida qabiil in ay ka nasulaan qabil nacebkii laga soo daal eeh waa dad islaam ah waa dad somali ah hal luqad wadaago waxaan ka yabaay waxa midna midgaan ka dhigay midna nasab war ilahy ag tiisa taas kama shaqayso adoo bil aadan ahna saeed iskula waynatay ilahy ha idin hanuuniyo amin
walaahay waa wax laga xumaado waalidiinta salma balse salma waa gabar fiican in kastoo laga rabay in ay raacdo ninka ay jeceshahay waa ay ku liibaani laheed wiilkana waxa aan u sheegi lahaa in uu iska cafiyo gabadha ileen waalidkeeda ayaa sidaas ku qasbay qabiilkana waa in la isku barto kaliya ku eg lakiin aan la isku nicin mana fiicno qof aad wadaagtaan diin iyo dadnimo iyo somalinimo in aad ku nacdo qabiil waa mid laga fiicanyahay walaayal haii aan somaali nahay qabiilka waan isku dilnaa waana isku nacnaa waa laga fiicanyahay midaas ee hala is kadaayo walaalayaal wabilaahi towfiiq
asc waan idin salamay marka aan maqlo waxaas aay somalida ku dhaqmaan waxaan is dhahaa somali dhanma iska in kirtaa oo ma iska sheegata dad kale
somalida waa wali aay jaahil nimada ka buuxda in ta badan