Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta ka badbaaday qorshe lagu dili gaaray
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu maanta uu ka badbaaday qorshe lagu damacsanaa in lagu dilo, iyadoo dhinaca kalana aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Sheekh Xasan Daahir oo qarax ku aadan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa maanta qarax miino lala beegsaday gaari uu la socday, xilli uu maraayay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaariga Sheekh Xasan Daahir uu la socday ayaa waxaa la sheegay in uu si dirqi leh uu uga badbaaday qarax miino oo markaasi la dhigay wadada dhinaceeda, taasoo lagu doonaayay in lagu qaarajiyo.
Ilaalada Sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa iyana la sheegay inaysan wax yeelo ka soo gaarin qaraxaasi, oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago, taasoo looga bartay kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ka dagaalamaaya.
Shacabka ku dhaqan Degmada Baraawe oo ka gaabsaday in magacyadoodu la xuso ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen, in maanta Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka badbaaday isu day lagu doonaayay in lagu dilo.
Inta badan Saraakiisha Al Shabaab oo ku sugan sida la rumeysan yahay Degmada Baraawe, ayaa waxay tani ku noqoneysaa caqabad, iyadoo horey ay u jireyn ismaandhaaf saraakiisha Shabaab u dhaxeeyay.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu ka dhaw yahay Saraakiisha kale ee Al Shabaab, ee ku taraarax tegay fikirka ku aadan Jihaadka, ee aysan xilligaan muuqan cid lala Jihaadaayo.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com