| Radio |
Click on a category to chose your favorite kind of radio
|
|
| Daawo Sawirada: Raa'isal Wasaare Saacid oo markiisii ugu horeysay tegay Magaalada Baladweyne |
Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay maanta muujisay soo dhaweyn wanaagsan, oo ay u sameysay Masuuliyiintii Xukuumada Somaliya ka socotay ee booqashada ku tegay.
|
| Prof. Gaandi oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo & shirar uu la lee yahay Barre Hiiraale & Axmed Madoobe |
Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa wuxuu maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ka gadaal markii uu hawlo shaqo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
|
| Kun iyo shan boqol oo askari oo maanta mushaaraad loogu qeybiyay Magaalada Garbahaarey “Daawo Sawirada” |
| 1500 oo askari oo kamid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Qaranka, ayaa waxaa maanta mushaaraad loogu qeybiyay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo. |
| DEG DEG: Nin dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho. |
Niman hubeysan ayaa waxay caawa Magaalada Muqdisho ku dileen nin dhalinyaro ah, kaasoo aan la garaneyn ujeedadii ka dambeysay inay dilaan.
|
| 110 Xildhibaano oo maanta laga horjoogsaday kulan ay ku lahaayeen mid kamid ah Hoteelada Muqdisho |
| Ilaa 110 kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa maanta laga horjoogsaday kulan ay ku lahaayeen Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho. |
| Ciidamada Dowladda oo maanta weeraro culus kala kulmay Xoogaga Shabaab |
Xoogaga Shabaab ayaa waxay maanta weeraro culus ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Bakool, iyadoo dagaaladu ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.
|
| Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay ka hadlay xaalada murugsan ee Magaalada Kismaayo |
| Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa wuxuu maanta ka hadlay xaalada murugsan ee ku soo korortay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. |
| Ciidamada Raaskambooni oo maanta dad ku dilay, kuna dhaawacay Magaalada Kismaayo |
| Ciidamada Ururka Raaskambooni ayaa waxay maanta khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, ay ka geysteen Suuqa Xoolaha ee Magaalada Kismaayo. |
| Xildhibaano cusub oo maanta buuxiyay boosaskii ay baneeyeen Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Bashiir Goobe |
| Xasan Maxamuud Cali iyo Qaasim Maxamed Jaamac, ayaa waxaa maanta loo dhaariyay xubinimadii, ay kaga mid noqon lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. |
| Wefdigii ka socday Ururka Igad oo Magaalada Kismaayo kula kulmay Sheekh Axmed Madoobe |
Waxaa barqanimadii maanta Magaalada Kismaayo gaaray wefdi ka socday Urur Goboleedka Igad, oo Jimcihii shalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Raa’isal
Wasaaraha Xukuuamda Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
|
| Maamulka Axmed Madoobe oo sheegay in wefdiga Dowladda ee Kismaayo ku sugan, ay dhbaato ka wadaan Kismaayo |
Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu dhaleeceyn kulul uu u jeediyay wefdiga Dowladda Federalka Somaliya ka socda, ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
|
| Taliska Amisom oo ka hadlay mowqifkooda ku aadan arrimaha Magaalada Kismaayo |
| Taliska Midowga Afrika ee Amisom ayaa wuxuu ka hadlay labada Madaxweyne ee la sheegay in looga kala dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. |
| C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shaaciyay xilliga lasoo dhisayo Baarlamaankka iyo Wasiirada Jubbaland |
| C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shalay loo caleemo saaray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in dhawaan lasoo dhisayo Baarlamaanka iyo Wasiirada Jubbaland. |
| Xukuumadda oo beenisay warar been abuur ah oo laga qoray |
| Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah oo lagu baahiyay Twitter-ka, islamarkaana la shaaciyay inuu qoray Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed. |
| Guddiga Dowladda u xilsaartay Jubbooyinka oo sheegay inaysan la shiri doonin shaqsi sheeganaya Madaxweynaha Jubbaland |
Xubnaha Guddiga Dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay arimaha Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday inaysan la fariisan doonin shaqsi sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha maamulka Jubbaland.
|
| Wafdi ka socda Urur Gobaleedka IGAD oo Kismaayo tagaya |
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa maanta tagaya wafdi ka socda Urur Gobaleedka IGAD kuwaasi oo shalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka.
|
| Dilal iyo qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe |
| Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe,bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Degmadaasi. |
| Wefdi sare oo ay hogaaminayaan Xoghayaha guud ee ururka IGAD, Jen Gabre iyo Safiirada dalalka ku bahoobay IGAD oo Muqdisho soo gaaray |
Waxaa saaka caasimada dalka Soomaaliya ee muqdisho soo gaaray wafdi kasocday urur goboleedka IGAD waxaana hogaaminyay Maxbuub Macalin oo ah xoghayaha guud ee IGAD.
|
| Sheekh Xasan Dahir Aweys ''Abuu Mansuur Al Amriiki waa nool yahay laakin waa lagu raad joogaa, waana ka qeyl yeyna'' |
| Shiikh Xasan Macalin Dahir Aweys oo mar ahaa madaxii ururkii Xisbul Islaam ee sida garba duubka ahaa loogu biiriyay ururka Alshabaab ayaa saxaafada u bayaaniyay shalay in uu jiro khilaaf xoog badan |
| Korneyl ka tirsan Saraakiisha Dowladda ee Kismaayo oo sheegay in Axmed Madoobe, ay ka soo horjeedaan |
| Col. Axmed Maxamed Cismaan oo ka tirsan Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo ku sugan, ayaa wuxuu cadeeyay inaysan marnaba taageersaneyn tallaabada lagu soo doortay Sheekh Axmed Madoobe. |
| Mid kamid ah haweenka ku sawiran lacagta kunka shilin oo geeriyootay |
| Mid kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku sawiran lacagta kunka shilin Soomaaliga, ayaa waxay maanta ku geeriyootay Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir. |
|
| Login |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
 

| Shoutbox |
|
You must login to post a message.
|
|